Muraayadii Daawashadaiyo
Midab qurxoon lahoo
Macaankii dunidoo
La muudsanaayo

Markasatoo ku eegoo
Maskaxdaa maqsuudoo
Maankaa jacayl iyo
Muftaax kuxeratee

Ma naftaa jiidatoo
Meel kale arki waydee
Ma qalbigaa maaxaatoo
Kaa maarmi waayee

Mahuraankii ii muuqanaayee
Malyuunka mudanaayoo
Maalin iyo habeenba
waan kuu muuqanaayaa

Ma ogtahay runtii
macaanoo Adigaa muxibadaadi
Anna la walbahaaray

Ma naftaa jiidatoo
Meel kale arki waydee
Ma qalbigaa maxaatoo
Kaa maarmi waayee

Exit mobile version