dhoohane dhaqan xumaaye
ilayni waa ruux dhar qaba
daadkuna qof dhan moodayaan
dheeftaba qaar baa qurxoon
markii lagu soo hor dhigo
hadana aan kuu dhadhamin
naftaydaay samir ku dhaqan
talana rabigaa u dhiib
dhankiisana khayr ka filo
ka maydho dharaaro wixii ahaa
dhunkaali waa geed qadhaadh
waliba waa loo dhintaa
ragana qaar baa ka dhigan
dhexday ragu wada xidhaan
habloow dhabtii baan hadlaye
ka fiirsada midaydaan dhugan
naftaydaay samir ku dhaqan
talana rabigaa u dhiib
dhankiisana khayr ka filo
ka maydho dharaaro wixii ahaa

Exit mobile version