Nuurkii indhahaiyo
Nafta raaxadaydoo
Sidaan kuugu nugulahay
Niyadaadu ma ogtahay

Anba nabrka caashaqu
Inuu igu nagaado
Nolashaba la’aantaa
Inaan nacayoo ma’ogtahay

Naxdin la’i aduun baa
Naxriis uladayaa haa

Neecaaw jacayliyo
Waxaa naawilaa qayr

Sida naq iyo raysi
Naruurada nimcada roob
Nugul kuugu doogsadaan
Anna kuugu naaxaa

Aniguna nimcooy
Waxa aan ku nidar galay
Naftan kuu hibeeyo
Nasiibkayga kugu xiro

Naxdin la’i aduun baa
Naxriis uladayaa haa

Neecaaw jacayliyo
Waxaa naawilaa qayr

Exit mobile version