VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xeer caashaq - Lyrics

Nafyahay xeerbaad lahayd Xaqdhowr jira baad lahayd Xanaano dhan baad lahayde Jacayl xardhaban baad lahayde Xabiibi runbaad lahayd Xulasho dookhbaad lahayde Xubnahoo kuu soo hilooba Qalbigoo ku xusaad lahayde Xiskaad u ahayd dagaan Hadaan rago xeer lahayn Haween ku mudnayn xaqdhowr Jacaylku miyuu xasili Xog iyo xaalbaan la,aa Xugbaa I hafeefiyoo Intaa aan la xiiqsanaayee Xaraaradiibaa ikacdoo Xad dhaafbaan kuu jeclaayoo Xiisihiibaa igu bate Halbawlaha xididkee Xawaaraha dhiiga wada Xubnaha uun siinayee Hadaan rago xeerlahayn Haweenku xaqdhowr mudnayn Jacaylku miyuu xasali Inaan xumo kaa ilaasho Xididka kalgacayl ilaasho Xaqiiq weeyaan midaasi Hadaan xalanow jacaylka Dhamaan xulay waaxyahayga Kuxidhay maankiyo dareenka Inaan gogoshaa xaadho Xariir ubax kuu dulsaaro Ayaan xaashee rabaaye Hadaan ragu xeer lahayn Haweenku mudnayn xaqdhowr Jacaylku miyuu xasali Anigu xubibaan sidaa Jacayl xusanbaan wadaa Adaan xilo kaa rabaayey Waxaad tahay xuural cayn Xarago ku barbaartayoo Xishood loosoo dhigee Xareedii iqaboojisay Allow isha xaasidkiyo Ballaayada kaa xijaab Hadaan rago xeer lahayn Haweenku xaqdhowr mudnayn Jacaylku miyuu xasali
Queue is empty
-- / --