Heesta Dacartuba - Lyrics
Dacartuba marbay malab dhashaa
ood muudsataa dhabaqe
Waxan ahay macaan iyo qadhaadh
meel ku wada yaalle
Midigtayda iyo bidixdu
waa laba mataanoode
Midi waa martida soora iyo
maata daadihise
Midina waa mindiyo xiirayiyo
mur iyo deebaaqe
Hadiii qurux la daawado
Indhahu aadmi ku qancaayo
ama il wax qabaneeso
Lagu qaboobaayooo
Aniguba qadraan soo arkiyo
Qaaraddii hodaneey
Hablayoo halkii qoomaneed
Baad iqabateeneee
Qalbigaan bogsiinaayaan baaa
Qac iga siiseenee
Qosolkaan yar yari waa
Waxaad nagu qaldeeseenaa
Inaan eebahay idin qatalin
Qariya laabtiinaaa