Heesta Qoomamo - Lyrics
indhahay quruxdooda
anoon hubsanbaan hadlee
hankii shalay kaa helay
hadeer ka hadhbuu i yidhi
naftayda hubsiimaha
inta ay hilmaantay
adigoon halna hayn
kuu qaaday heesee
dookhaa iga habaabay
markaan kula hadlaayay
hadaan qoomameeyaa
yarkow barashadaadii
anigay hawaawi iyo
hawo beeni i qaadee
hadaan shalay kaa helay
maantaan kaa hadhayaa
naftanaa hirdoogliyo
ku mooday hadh cade
gudcur laga hayaamiyo
waxaad tahay habaase