Heesta Aroos - Lyrics
ololaha jacaylkiyo
alalaaska guurkiyo
ehelka isku wada yimid
abshirkay gudbinayaan
ha ahaado kiinagi
fardawsay daymo wacaney
ilwaad dumar urooney
arooskaga caawaba
sida loo agaasimay
aadmida dhamaantii
ashgaraar kunogotoo
loowada bishaaree
illaah baanu barinoo
way idiin ahaatee
aamiin khayrle iyo farax
aqal wadaaga ooladan
kunagaada abidkiin
idinkuna ayaankiin
caruur aayo wacanoo
axmed ilhaan iyo
idil iyo siciid bA LE
alle ha idin siiyee aamiin
aamiin ducada dhaha
raxmad eebe keeniyo
iftin weeyi guurkiyee
labada is adeecee
isku uur ahaadana
ubaxa bay wadaagaan
fardawsay daymo wacaneey
oori asal wadaageey
xurmadii amaantay
udubkii dhabta ahaa
galabtaad asiibteen
aqbal weeyi guushuyee
eebeheen ajiibyee