ayaantiii i deeqdee
durba aan ka heleye
damaca igu beertay

naftaydaa ku dayatoo
waxaan kaaga daba dhacay
kula raacay daymada
dunta aan wadaagniyo
dookhii cajabisee

qalbigaad dawaysee
doonaaya kaligaa

qalbigaad dawaysee
doonaaya kaligaa
dugsi dhaxanta celiyiyo
mar u noqo dalaalimo
caashaqu ha dararee

ayaantii i deeqdee
dareenkaygu raacee
dawadayda noqotaay

sida roob darooroo
goor galab ah da'ayoo
nimco daada dhigayoo
laabtu ay ku daradhoo
dhabtii kuudu dihantay

Exit mobile version