dareenkii jidhkaygiyo daawadii dhabta ahayd
een dunida kulahaa haduu daaim kaa dhigay
dookhuna ikaa sudhay
oon lilaahi deeqooy dakharada jacaylkiyo
daraada dhibtaan qaboo daacad aan la liitoo
doogtiisu igu taal

ha igu daawan cadawgoo cidla yaanan daaline
isku duubni labadii caashaqa daryeeloo
isku dana ma noqonaa

dabiibkii naftaydiyo dugsigii dhabta ahaa
een dumar ku lahaa haduu deeqoy kaa dhigay
qalbigaa ku doortoo dagi maayo jeeraan
caashaqa ku darisnoo diiftiisu ma i roon
doogiisu aragnee

Exit mobile version