shimbirahaa lalaa
luuxdooda wacan
ulushaa minaaaa
ilaa ay libdhadoo
lurka layrisaaaa
lagu beeray laxaow
sow ladaab alin
caawa loogama dhigo
laan cusub ka helo
laab laabadkii
marba libic ma arag
laabtiyo qalbigaa
sow lur ma barin
sow lac ma oran
waalan curdina
wali luqun siyio
leexay si baran
sow kama libxanoo
leemaha ma dhigan
meelaaga hoo
waaba laysitooo
kashka laabadkaa
cagta lala nacoo
labigiyo galool
isku duublamaan
dhirta laagaheeda
laanta ugu dheer
dabeyl liicisaa
sow iima lulin
laab laabadkii
marba libic ma arag
laabtiyo qalbigaa
sow lur ma marin
lahasada hiigoo
sow lac ma oran

Exit mobile version