Heesta Sowjad - Lyrics
ma ogtahay sideedaba
samadaa dusheeniyo
xidigaha siraatiyo
dayuxu inay kala sareeyaan
midba soohdin gooniya
SAATIRkay ku abuuroo
sidaa loogo tala galay
adna sagal la moodyeey
suuradaada wacaniyo
timaha sayn fardoodka ah
adaa lagugu saaciday
aniguna sad iyo calaf
adaan kuu sad gurayoo
nafta aan kugu sasabayee
sawjaday aad noqotide soo noqo
ma ogtahay sideedaba
suuradaha ILAAHAY
sifaha iyo tilmaantaba
dadku inuu ka simanyahay
midba saami qaybti
sadka u helaayoo
sidaa loogu talo galay