Heesta Dheeman - Lyrics
dheemaneey macaaneey
qalbi dhuunigiiyow
hadhsan waaye dharaaree
dhadhabayoo habeenkii
midabkaaga dhiinka ah
dhanbaal la iigu keenaa
dhagayso hadalkayga
dhayal ha u malaynine
dhab u fiirso u jeedada
dhex yareey macaaneey
dhacadii ma seexdoo
dhalan dhoolay awgaa
dhaayaha u rooneey
qalbigaad ku dhigantoo
dhidib adag ku leedahay