daruuraha mushaaxee
meeraaya samadee
mahiigaanka roobkiyo
mayaygiyo biyaha sida

waa maamul EEBOO
mucjisooyin waxa jira
aayaduhu macneeyeen
MINA LAAHI laga wado

dhirtu inay magooshoo
barwaaqadu ku milantoo
midho iyo cagaariyo
geeduhu man bixiyaan

xidid dhiig mareenoo
barta midiyo lagu saro
maashee xinjiro dhiig
marna caano laga dhamo

Exit mobile version