saynabeey ma arag
sabanadan mid kula mida
mana saarin indhaha

waxaad tahay suleekhiyo
saadadiyo qurayshtii
suuradaada quruxda leh
si markaan u eego
waxaan ku seexdaa
qalbi saafiyo wacan

sooloo roobku helayoo
soortiyo barwaaqada
soo saaray midhihii
saxan saxo udgoonoo
sanka aan la raacaay

Exit mobile version