miduunbaa qalbiga
ka maqnaaninoo
ku dhex maaxatee

kama maarmayoo
markii aan arkana
meeluunbaa i go'dee

waa macaan ama waa qadhaadh
kolba waa siduu kugu soo maree

waa magaca cudur
midka ugu xunee
dadku moogyee

ma moodayn sidani
ma maleeya oo
maxaa lagu daweeyaa

ma hadadhada dhibtiyo
murugadaan qabaa
iga muuqatee
dadku ii malee
inaan ahay maraan
lagu maadsadee

Exit mobile version