Waa cudur jacaylku
Waa cunay idlaysaa
Dadka laga cirdaabinee

Hadaan filasho damiyoo
Imisuu u go,aee
Kuu gaysta nabarkee

Markuu culimadii diray
Inuu dumar kaxee jecel
Cidhibtooda u haqab tiray
Kuu cadeeyay aniguye
Miyaad caawa moogtahay

Inalaha ciidiyo
Hawshiyo ogaatiyo
Inuu cararo cayn baday

Ku calaan cardadalay
Ceegaabta ku handoo
Cidhibkuu ku celiyoo

Ana wakhtigaan helay
Anan xilo ladi karin
Caawaba cadibanahay
Kuu cadeeyay aniguye
Miyaad caawa moogtahay

Exit mobile version