jidhku muu dubaaxsheen
naftanoon ku jirinoo
cirku jabaq ma keeneen
tii yoon jirin daruurtuye
ifka lamaba joogeen
dhulkanoon la jiifin
ogobeey jacaylkuna
waxaan jirin haduu yahay
jaleecdaan ku eegaba
jiro ima haleesheen
mana jidhiidhicoodeen
intaan jahawareeroo
miyaan xalayto jiifsaday
jirjirkaba miyaan dhigay
riyaad igula joogtee

igu curay jacaylkii
igu jabi silsilad bira
haduu jaanta kuu rogay
ana ila jiciiree
intuu caynka kuu jaray
ana heeso igu jabi
jagaadeey la dhigiyo
labadeena jaho quda
jirjirka isu keen gali
waxay talo joogtaa
ama hadal ku jaran yahay
dumar waa la jiitaa
miyaan xalayto jiifsaday
jirjirkaba miyaan dhigay
riaad igula joogtee

Exit mobile version