Heesta Ma salguur - Lyrics
waan kugu sahwiyayoo
saqda dhexe habeenkii
salalaayay awgaa
suuradaada wacanbaa
sida sabi dhalaaneed
wadnahayga saaree
mudo waan ku samraaye
nafta kugu sasabaye
waan helay sirtaadii
ma salguuro caashaqa
male suuq la geeyoo
saylad uu ku iibsamo
inta gabadh suleeqaa
sabanadan aduunyada
saynabeey ku noo;l baan
sahal mood jacaylkuye
kaa soocday adiga e
kuu samraayay inanyahay
maad garan sidan rabay
ama xaalku siduu yahay
waan helay sirtaadii
ma salguuro caashaqu
male suuq la geeyoo
saylad iuuu ku iibsamo