muxibooy aduunyada
maalmihi iso maray
meeshii aan joogaba
aday ii muuqanaayoo
maankayga deeqdee
labadaa is muhanoo
kala maarmi maynee
hadaad mooday xaajadu
meel gaaban inay tahay
miirkiyo aqoontiyo
maankaaga galiyoo
mataanobay hawlaha
mirta dhexe habeenimo
hadaad maya ileedahay
ruux la maray sidiisaan
kugu meerayaayee
ana mawdku ha idilo
adna maalmo sii joog
xaqna naasni maayoo
rabigay ma moogee
aakhiro ka meel dayo

nimay talo ka murugtoo
xadhig adag mareegtoo
jacaylkaaguu maankiyo
meel halisa degayoo
maalka la isku dhaafana
gacantiisu madhantoo
waad u muuqataayee
hadaad moday xaajadu
meel gaaban inay tahay
miirkiyo aqoontiyo
maankaaga galiyoo
mataanoobay hawlaha
mirta dhexe habeenkii
hadaad maya ileedahay
ruux la maray sidiisaan
kugu meerayaye
ana mawdku ha idilo
adna maalmo sii joog
xaqna aasmi maayee
rabigay ma moogee
aakhiro u meel dayo

Exit mobile version