sidii dur dur iyo daroor hoortaybuu
dawooy qalbigaygu kuugu dagee
dareen kalgacalaybaa igu duxee
ha diidine kaalay daaaweeye
hadaad darar tahay ama kula dago
walee dusha kaama eegeene
waad i deeqday kuma daayoo
aadaan dadka kuu jeclahay

daymada indhahaa ku doogsada ee
marnaba eegmada ka daalaynee
darmaan yahay wacan dhankii la dayaba
dag dagoo kaalay laabta igu duugoo
midaan dumarkaba ka doorbidayee
adaa sida dayaxa ii nuuree
waad i deeqday kuma daayoo
adaan dadka kuu jeclahaye

Exit mobile version