Heesta Maanlula - Lyrics
Inta muunad dumar
Mowle uumayee
Madow & cadaanba
Maaxii dunida weeye
Adaan kaa mutoo
Maanka deeqayoo
Muxibiyo jaceylka
Macaan i baray
Maqsuuday naftaydu
Maamuus kalgacayl
Jaceyl minguurin
Ayay masrab kaaga dhigi
Maan lulaay
Markaan kulanaybaan
Miirqaadmayoo
Mar hadanan ku helin
Mugdi weeye nolol
Sida nayl mataan
Iyo laba isku midab meelbaad
Igaga taal aanka maarmi karin
Maqsuuday naftaydu
Maamuus kalgacayl
Jaceyl minguurin
Ayay masrab kaaga dhigi
Maan lulaay