hoobeey hidiyo dhaqanku
waa hobantideeniiye
adiguna hablaha maanta
waad ugu horaysaaye
halbawlaha wadnaha iyo
bogaad deeqa hurudaaye

halse iga dardaaranaan
ayaan kuu holinaynaa
ogow gacmo aan is haysan
ogow isku hiilan waayee
ogow guul ma haybsadaan

u gooyaay gablada
u gooyoo gam uga sii

hoobeey waxa lagu hirtaa
haybta aad tahaye
hoobeey humaagiyo ladhkani
way ku hodayaane
ciidiyo dhulkii hooyo
waa lama huraankiiye

hiyigiyo laabteena
waa inaan ku haynaaye

Exit mobile version