Heesta Xamarey - Lyrics
xamareey dugaagiyo
damiir laawayaal iyo
cadaw duulimaadiyo
daba dhilif sokeeya
kaa helay daleediyo
dibadiyo banaanoo
kugu diirtay noloshee
ana kuu damqanayoo
jidhkiiba i dubaaxshoo
bahalkiyo dad qaladata
kugu daawan maayee
waxaan baaq u dirayaa
inta dunida joogtee
dareen aadminimo iyo
garashadu diraysoo
dadaalbaa loo galayaa
dawadii xalkaagoo
dabka waan baqtiiniyi
wax yar ii dul qaado
xamareey dadkaagii
maxastiyo duqaydii
dumarkiyo caruurtii
dibaday wadheenoo
diin laawayaaliyo
duulaan naxaybaa
kaa fiiqay diirkee