Dusha timaha guudkee
dib u dhaafay adhaxdee
dibna hadalka qaadmada
Ilka dabar cas kaga yaal
dib markaan u fiirsado
fanax yaraa damuusiya
Idishaye cabaadhyada
isla gaadhay dacalada
Dagey labada garab iyo waxyaha Dushooda
dhandhaqaaqa laafyaha
dadyow anigu yaabaye
ma dadkii kitaabkiyo
diinteenu sheegtiyo degenaa
fardowso soo daahiraa
Doqontii nasiib leh
ee damac kaa galaaba
degel waab la saaraa
daymadaa jaleecada
markii aan ku daawaday
indhuhu meel ay diidaan
daa’in kuma yeeline
daruur yahay adoo kale
Nabi yuusuf dabadeed
lama keenin dunidee
nasiibku haygu kaa daro
dhan dhaqaaqa kaafyaha
dadyow anigu yaabaye
ma dadkii kitaabkiyo
diinteenu sheegtiyo
degenaa fardowso soo daahiraa