1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Hanaan Socodka Laafyaha
Hagar Li’i Wax Qabashada
Hindisihiyo Faalada
Ka Hal Celinta Sheekada
Hadaan Caano Lagu Habin
Aman Hooyadeed Korin
Mahayseen Asluubtiyo
Hidihiyo Xishoodkee
Waxa Kugu Haboonaa Istarey
Hareeraha Nugaaleed
Kayn Wada Hareeriya
Marka Roobku Uu Helo
Oo Xareedu Haradiyo
Hoos Jiifto Geedaha
Hal Irmaan Sidig Iyo
Haleel Aad Ku Maashaa
Dhalinyara Hobshaysiyo
Hablo Kuu Ciyaaraan Istarey
Sida Geel Hilaac Baxay
Hoodiyo Danood Helay
Oo Horseed U Maqan Yahay
Higsanaaya Goor Wacan
Hiyigiyo Naftaydii
Adaa Hebed Ka Dhigayoo
Hilbahaygi Saafoo
Haween Iiga Laacee
Waxa Kugu Haboonaa Istarey
Adoo Xaafadii Hodan
Jidka Fooqa Hoosmara
Hareerihiisa Ubaxa Leh
Habeen Ciida Ay Tahay
Adigoo Hidaha Xiran
Hudheelkii Taleex Oon
Heedhe Kugu Casuumaa
Hal Irmaan Sidig Iyo
Haleel Aad Ku Maashaa
Dhaliyara Hobshaysiyo
Hablo Kuu Ciyaaraan Istarey
codkii Nuur Eebo