Waa lumay, waa liitay
ilhaan la’aantaa waa liicayaa
Kuma labeenin, kuma lu’goynin Xaaskayga

lurka caashaqaan qabo
libintiisa gaaroo
lidkayga ahoow
Kaama leexayoo
Ilhaanee ogsoonoo

Inagoo oo Lamaane ah
Libinteena jeceloo
Laab xareed cabayaa
liibaan u arkaayee
Ladanay ogsoonow

Kuma labeenin
Kuma lu’goynin xaaskayga

lurka caashaqaan qabo
libintiisa gaaroo
lidkayga ahoow
Kaama leexayoo
Ilhaanee ogsoonoo

Exit mobile version