VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Barwaaqo - Lyrics

Dhulkoo dayr barwaaqiyo Daahyaale helayoo Durdurkiyo xareedii Daad xoorta reebeen Oo dooxada ugbaadka Doogii idiis baxay Ubaxuna dilaacoo Isha daymadeedii Aragtida ma daashee Arunimo la daawaday Ximirkoodina wali Isagoon dabayl wadan Ku darbeeyay galabnimo Daafaha biyaha simay Qurux daawashada gud Damaashaadka xiisaha Sida loogu diirsadaay Dubkaygiyo lafaha iyo Dahrigaad ku faaftoo Nafta daahir ku jecele Daadihi kalgacalkana
Queue is empty
-- / --