VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dookh - Lyrics

Inuu dookhu sahan yahay Ka dab qaata aragtida Duxa uu kalgacal dhalo Adiguna i deeqdoo Daymadaad u roontahay Ay tahay daraadii Waxaan kuu dul joogaa Inaynu isu dabacnaa Qiimaha dadnimo tahay Isla fahanku door yahay Dantu tahay lamaanaha Ismacil Ahmed Aw Muuse Inuu dookhu sahan yahay Ka dab qaata aragtida Duxa uu kalgacal dhalo Adiguna i deeqdoo Daymadaad u roontahay Ay tahay daraadii Waxaan kuu dul joogaa Inaynu isu dabacnaa Qiimaha dadnimo tahay Isla fahanku door yahay Dantu tahay lamaanaha Inuu hadal dubaaxiyo dambar iyo labeen yahay Daadihiyo caashaqa Adna dumar ka rooneeey Qalbigaad dawaysoo Niyadaa diyaar u ah Daris inaad la noqotee Inaynu isu dabacnaa Qiimaha dadnimo tahay Isla fahanku door yahay Dantu tahay lamaanaha
Queue is empty
-- / --