VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gob - Lyrics

Dir ahaan gobaa tahay Dunxariira baad tahay Quruxdana daruuriyo Dayax soo baxaad tahay Kalgacayl dubaaxoo Danbar iyo labeen laan Ana kuugu deeqee Qalbi furan ku daadihi Niyadana usii daa Ha dayicine qiimee Ana waan dugsiyayaa Dumar boqorkii baa tahay Nasab daahiraa tahay Quruxdana darmaan faras Dahab shiilan baa tahay Jacayl malabkii doocaan Damcadiyo macaankii leh Ana kuugu deeqee Qalbi furan ku daadihi Niyadana usii daa Ha dayicine qiimee Ana waan dugsiyayaa
Queue is empty
-- / --