VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ila Qaado - Lyrics

Saacidadii aan ku qabay Wanaagii ma saydhine Sidaad ii ogoydbaan Ugu sidaa gacmaha wali Saxalkiyo mariiqiyo Xidigaha sideeda ah Saaca waxan eegaa Sad inaan wadaagnee Salaankan aad fuushiyo Iga daa sigsaagiyo Ila qaado samihiyo Saxadiyo barwaaqada Adaan kula sugaayee Samaantii kalgacalkaay Wadnahaygaad sudhantoo Sidii baan sareedaay Kuu saadaaliyaa wali Dayaxuna socotadiisii Dirirkii ma seerayn Gaadmaduu la sugayee Waakaa sagaalkii inoo gude Salaankan aad fuushiyo Iga daa sigsaago Ila qaado samihiyo Saxadiyo barwaaqada Adaan kula sugaayee
Queue is empty
-- / --