Anoon juuqda hadalkiyo
Wali jaraha uban bixin
Ayaa jooga muuqiyo
Jiidhkuba i deeqee
Sagal jiidan caadiyo
Sida jiida waabari
Jaaheedu hilaac
Aniguna jacayl dhaba
Jeedaalo eegmada
Jamashada miliilica
Ma jaleecayaa wali

Jalaqsanida socodkiyo
Jamaalkeeda quruxda leh
Naftu jamatay xiisaha
Sida jawharad nuurkeed
Jeegaan sideedii
Ama jexyo roob helay
Indhahaa u jeelee
Aniguna jacayl dhaba
Jeedaalo eegmada
Jamashada miliilica
Ma jaleecayaa wali

Exit mobile version