VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kalgacal - Lyrics

Sida ubaxa dayreed ama oogta waabari Nin arkaa ilmeeyee Inantaa quruxdediyo Eegmadaa kalgacalka leh Ilayn ii ahaatee Iyadaa hablaha iga deeqdayoo Ifka ugu jeclee Igu sin allahayoow Adigaa awoodee Ilwaadeey adigaa halbawlaha abaaroo Ililaha wadnaha iyo Inta dhiiga qaadiyo Agagaarka beerkiyo Uurkaad ku taalaa Afkan amaanaya iyo Naftan u ildaran Iyadaa u ehelee Igu sin allahayoow Adigaa awoodee
Queue is empty
-- / --