Laydhiisa caashaqa
Lahashada kalgacal
Ladi waayay awgaa
Ladaneey waxaan ahay
Ruux kugu lamaanoo
Laasimay jacaylkuye
Ladaadyada jacaylkaa
Igu labakaclaysoo
Waxa iga lilaahiya
Sida loox quraan baan
Laabtayda kugu dhigay

Sida laamalawshiyo
Ubax laan ku wada yaal
Ii laacday anigee
Caqligaa ku ligan
Lubigiyo qalbigan
Kuu layliya adigee
Ladaadyada jacaylkaa
Igu labakaclaysio
Waxa iga lilaahiya
Sida loox quraan baan
Laabtayda kugu dhigay

Exit mobile version