Heesta Nasra - Lyrics
Nayruuskii kalgacalkaay
Naftaydii hogaanshoo
Qalbiga ku naawila
Nabaraa ku yaalee
Nasraay adiga mooyee
Nidar baan ka marayaa
Naagaha iyo jacaylkaba
Nuurkii indhahaygaay
Allahayoow ku nabadgali
Anigana nasiibkay
Caashaqaagu igu naban
Igu sii nagaadoo
Dhiiga iga nuugayoo
Ma nuuxnuuxsan karayee
Nasraay adiga mooye
Nidar baan ka marayaa
Naagaha iyo jacaylkaba
Nuurkii indhahaygaay
Allahayoow ku nabadgali
Anigana nasiibkay