Ilayn naf wax jeceli waligeed
Ogoow way u nugushahay ruuxii
Niyadu ay ka ogolaatee
Anoo naawilan kalgacalkaa
Nimcooy aragaaga qudhi
Indhaha nuur buu u yahay
Jidhkana nafaquu u yahay
Qalbiga neecaw qaboow
Naqiyo meel doog ka baxay
Nagaadi dhabuu u yahay

Ilay qalbi nugul jacayl galay
Wuxuu naawilaayaa
Adigoo naruuriyo
Naxariis u sheegee
Nimcooy aragaaga qudhi
Indhaha nuur buu u yahay
Jidhkana nafaquu u yahay
Qalbiga neecaw qabaw
Naqiyo meel doog ka baxay
Nagaadi dhabuu u yahay

Exit mobile version