VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qurux - Lyrics

Qorax sii dhac galabeed Sagal midabli qariyoo Qarka waqal ku dadanyoo Quruxdooda gaarka ah Qooraansi eegmada Lagu mood qudhoodii Nafta kuu qushuucdee Ila qaybso caashaqa Ila qabo hareeraha Sida qaydar hawroo Qod madheedh ku ladhan yahay Qotomaan xareedii La halmaasha qaayaha Iyo qiimahoodoo Qalanjooy i deeqdee Nafta kuu qushuucdee Ila qaybso caashaqa Ila qabo hareeraha
Queue is empty
-- / --