VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Saac - Lyrics

Sanga meel barwaaqa ah Sanad nabad ku daaqoo Saymiyo colaad arag Oo farawgu saarmoo Sabarada baruur ku leh Sagal iyo daruureey Dayax soo baxaayiyo Saacoo iftiimaay Si allena inoo maqan Adna wacadka sal u yeel Seermawaydo rooboo Soon iyo dad oon qaba U hilaacday subaxoo Soo baxay ugbaadkii Simantahay xareeduna Saaciyo dhul dooglaay Dayax soo baxaayiyo Saacoo iftiimaay Si allena inoo maqan Adna wacadka sal u yeel
Queue is empty
-- / --