Samsameey jacaylkeenu
Sagaliyo daruuriyo
Sahaydeena weeyoo
Allahii na siiyaa
Igu simay wanaagoo
Samahaynu joogniyo
Saadaashu waa guul
Saqda dhexe habeeniyo
Subax hore salaadiyo
Saacadii la joogaba
Wadnahaabad sudhantoo
Nafta waadbad sidataa

Samsameey arooskeenu
Saxan saxo udgooniyo
Sifaheena weeyoo
Ana seexan waayee
Siraadkii aduunkaay
Sinaan aan wadaagniyo
Saadaazhu waa khayr
Saqda dhexe habeeniyo
Subax hore salaadiyo
Saacadii la joogaba
Qadnahaadba sudhantoo
Nafta waabad sidataa

Exit mobile version