Jacaylkii baxnaanada
Baryo samir ku qaatoo
Boholyoow haduu jiray
Farxadiyo bishaarada
Ku bogsoo habeenkaagan
Bilicdiyo arooskaaga
Beegsiga dalxiiskaaga
Baladkaaga soo haybi
Boorama ku daanshooyo
Batalalaale iyo
Soo arag berbera
Ishu nolosha beenta ah
Ha ilawdo barafkee
Soo booqo ciidaada

Jacaylkii baxnaanada
Ku bariistay samahuu
Beerqaadka xiisihii
Noqay baaqi taran leh
Ku banaan bax ayaankaaga
Barkhadiyo nasiiibkaaga
Binadiyo ubadkaaga
Ku badhaadh ayaantaada
Ku nagoow barwaaqada
Beer taranta iyo
Cawo bilan noqo
Ishu nolosha beenta
Ha ilawdo barafkee
Soo booqo ciidada

Exit mobile version