Waxa aan la dhuubtee
Dhakafaarka igu riday
Jacayl igu dheehmay
Dhawaan i haleelay weeye
Intuu dhameeyay jiidhkaygii
Lafahaa u dhaadhacay
Dhuuxa hoos u marayee
Wadnaha u dhuuntee
Soo diray dhambaalkii
Ku dhignaa afkeenee
Akhris kuguma dhibinee
Dhool da,ay la moodyeey

Dhibta aan ku jira iyo
Dhawaaqaan ku leeyahay
Dhayal ha u malaynee
Waa iga dhab caashaquye
Dhankayga wuu ku dheeryahay
Dhaayahaad ku aragtaan
Haygu dhaafin leeyahay
Ileen waan dhursugayee
Soo diray dhambaalkii
Ku dhignaa afkeenee
Akhris kuguma dhibineey
Dhool da,ay la moodyeey

Exit mobile version