daruuraha mushaaxayee
meeraayaa samadee
maheeganka roobkiyo
maygiyo biyaha sida

waa maamul eebo
mucjiso waxaa jira
iyadoo macneeyo
minalaahi laga wadao

dhirtu inay magoosho
barwaaaqada ku mirantoo
miraha iyo cagaariyo
geeduhu ma bixiyaan

waa maamul eebo
mucjiso waxaa jira
iyadoo macneeyo
minalaahi laga wadao

xidi dhiig mareeno
barta midiyo lagu jari
maan jeex xinjir iyo dhiig
marna caano laga dhamo

waa maamul eebo
mucjiso waxaa jira
iyadoo macneeyo
minalaahi laga wadao

Exit mobile version