Heesta Run - Lyrics
ruuxayga higa jacayl
ku raagay dartaa
raaxadii ka jaroo
rafaad ku haye
naftaydii ku raacdee
way ku rabtaa
rajiyo wax lasugo
ma raali galshaa
ra'yiga gali been
iraad malahoo
waxaan runa haynba
way is rogrogaan
ragiyo dumarbaa
waa rafiiq waligood
labaan kala raysanoo
isu roon
naftaydii ku raacdee
way ku rabtaa
rajiyo wax lasugo
ma raali galshaa