miduunbaa qalbiga
ka maqnaainoo
ku dhex maaxatee
kama maarmayoo
markii aan arkana
meeluunbaa i go'dee

mug iyo jacayl waa maxay
waa macaan ama waa qadhaadh
kolba waa siduu kugu soo maree

waa magaca cudur
midka ugu xunee
dadku moogyahee
ma moodayn sidani
ma maleeyo oo
maxaa lagu daweeyaa

mahadhada dhibtiyo
murugadaan qabaa
iga muuqatee
dadku ii malee
inaan ahay maraan
lagu maadsadee

Exit mobile version