walaw aan asaagaa
adiga kuugu jecelay
oo aad ilwaad qurux
adiguna ogsoontay
afkuun kaama lihiye
ay uurka iga tahay
amaano ALLE inanyahay
aakhiurana way isku arki doonaa
hadii waa aduunyee
aad iga irdhowday
ood axdigaynu dhiganiyo
wacadkii ilowday
ifka intaad ku nooshay
kaa aarsan maayee

warkaan igmaday
axdigan maray
u adkaystay aniguye
albaabkii qalbiga
adigaa oodayoo
irida u xidhee
hadaan aamin jirin
maan galo aduunyada
maxa i kaa ag dhigay
hadii oog dab iyo
ood la igu shido
ama iilka aan galo
isaseegi dhaco
inta la i arjumo
awgaa la igu naco

Exit mobile version