VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Baydhabo - Lyrics

Nin jaceylku beerkiyo
kala jaray boggisoo
Baadi gooba baan aho
Waan kula balami lahaa
Barya hadalka qaada
Miyaa baladka dhaaftaa
Dhulka kalle u badantahay
Beydhabo ma gaadhaa

Midaan baafinaaye
Igu beertay caashaqa
Janna Bilicsanteydii
Waa Bartey ku dhalatee
Barya hadalka qaadaa
Miyaa baladka Dhaaftaa
Dhulka Kalle u badantahay
Beydhabo ma gaadhaa

Waa dhul wada barwaaqa
Aan abaartu baranoo
Beeshi dag maagtaba
Barya kama hayaantee
Barya hadalka qaadaa
Miyaad Baladkan dhaaftaa
Dhulka kalle u badantahay
Beydhabo ma gaadhaa

Illaahi i barayee
boqolkii shagaashan
Iyadoo bidhaan wacan
Igu beegay subaxoo
Ku bogsaday jaceylkii
Beerkeyga jiife
Waan u bogay nafteyde
Addna ii bishaarey
Barya hadalka qaadaa
Miyaad Baladkan dhaaftaa
Dhulka kalle u badantahay
Beydhabo ma gaadhaa.

Waxaa soo diray: king-shire

Queue is empty
-- / --