geesi iyo hanadbaa la gobaadsaa
raga kii wax garadaa la gar waaqsada

waa ni gala abaaloo
gudi kara wanaagoo
samo kuugu gargaaaree

gar eexiyo adoon godob u maalayn
hawshan ila gal ama gooni noqo
aan ka go'ee

galad iyo ayaanbaa
lagu guursadaa
tala aad gorfaysaa
geed lala tagaa

runta lagaa garaaba
la iskuma gayaxoo
gees lagama eegee

gaban maayo aniguye
adaan ku gol leeye
jacaylbaa i gubayee
adna ii garaw

ha iga noqon geedad
aan gu'i karayno
gacma daalinaayee

Exit mobile version