Heesta Haatuf - Lyrics
hadii mar hore
hodan aan u diray
wax haleelay mooye
weli sooma hooyane
adigaan haboono
hoos wuxuu ugu sheege
hadalkayga gaadhsi
hatifyahuu bal haado
hawada u duulo
geed lagu hirdaayo
hoyguu duleeyo
ka habaabi mayside
waa sida hilaaca
waa qureysh haweeno
waa timo haldhaaley
ma hadhaa ma hoyda
mise way iga haysaa
labada mid sooo hubi
hurdo seexan waye
haybadoo illhay
uga iishay dumarka
heeganan u ahayow
naftaydii u hanweyn
waa habeenki xaalo tagay
waxay haabaneysee
gacantaydu hayninee
hatifyahuu bal haado
hawada u duulo
geed lagu hirdaayo
hoyguu duleelyo
ka habaabi mayside
waa sida hilaaca
waa qureysh haweeno
waa timo haldhaaley
ma hadhaa ma hoyda
mise way iga haysaa
labada mid soo hubi
hurdo seexan waye
waa halis jacaylku
halbawluhu ku boogyo
biyaha kaa horjoogo
haraad kugu dilaya
waaniga hayaame
aan haleelo socodkee
ha iga hawl yaraysan
habaar kuma dhiibine
ducaan kuu hibeeye
ha iga hawl yaraysan
sida la ii haleelay
intan caashaq kuu helin
ha iga hawl yaraysan
ma hadhaa ma hoyda
mise way iga haysaa
labada mid soo hubi
hurdo seexan waye