Heesta Ii adeeg - Lyrics
ma afkaygaan eersadaa
ma afkaygaan eersadaa
mise ayaantii aad dhalatayee
i kaa bartaan iimaansadaa
ii adeeg ii adeeg ii adeeg
ii adeeg aa ii adeeg
ilaawayoo ku ogaadayee
ku ilaawayoo ku ogaadayee
ma uurkaygaan eersadaa
ma uurkaygaan eersadaa
mise axdigii dhexdeenaan
adkeeyaayoon oofiyaa
ii adeeg ii adeeg haa ii adeeg
ii adeeg haa ii adeeg
kuu imoo ku soo saarayee
kuu imoo kusoo saarayee
ma adinkaygan eersadaa
ma adinkaygaan eersadaa
mise ibtilladii isoo wadaan
iyadaa amuure ku aamusa
ii adeeg ii adeeg haa ii adeeg
ii adeeg haa ii adeeg
kuu ooyayoo kuu ilmeeyayee
kuu ooyayoo kuu ilmeeyayee
ma ayaankaygaan eersadaa
ma ayaankaygaan eersadaa
mise waan ku ashkataynayaa
inanyahay abaalkaygaad i marin
ii adeeg ii adeeg haa ii adeeg
ii adeeg haa ii adeeg
ku eedayoo ku ogolaadayee
ku eedayoo ku ogolaadayoo
ma aqoontaydaan eersadaa
ma aqoontaydaan eersadaa
mise aduunkii is waynayee
aakhiraan kugu sugaa
ii adeeg ii adeeg haa ii adeeg
ii adeeg haa ii adeeg