VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Imanka way gaabsatoo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Omar Dhuule
Imanka way gaabsatoo

Garnaqsatoo,
iyadaa gooni u baxdee,
geedigii furtoo,
nabadgelyay gacaladay ku goosatee.

Haddii ay gardarnayd,
immika way gaabsatoo,
way ii gacalotaa.

Iimay geftoo,
immika ima guhaadisee,
geeddigii furtoo,
nabadgelyay gacaladay ku goosatee.

Haddii ay gardarayd,
immika way gaabsatoo,
haddii ay gardarayd,
immika waatan gaabsatoo,
way ii gacalootaa.

Gilgilatoo,
nacabkii bay ku giiratoo,
ku guulaystoo,
anna haatan gu’ bay da’ee,
geeddigii furtoo,
nabadgelay gacalayday ku goosatee.

Haddii ay gardarayd,
immika way gaabsatoo,
haddii ay gardarayd,
immika waatan gaabsatoo,
way ii gacalatoo.

Gujo hoose iyo,
immika gaadmo ma qaboo,
had iyo goor,
annay i raalli gelisaa,
geeddigii furtoo,
nabadgelyey gacalayday ku goosatee.

Haddii ay gardarnayd,
immika way gaabsatoo,
haddii ay gardarnayd,
immika way gaabsatoo,
way ii gacalotaa.

Garnaqsatoo,
iyadaa gooni u faqdee.
Iimay geftoo,
immika ima guhaadisee,
geeddigii furtoo,
nabadgelyay gacalayd ku goosatee.

Haddii ay gardarnayd,
immika waatan gaabsatoo,
haddii ay gardarnayd,
immika way gaabsatoo,
way ii gacalootaa.

Lyrics by C/Xakiim Ismaaciil

codkii Omar Dhuule