Sidii Geeli Hawd jiray
Inanyahay Garaadkii
Kol haddii lagaa gubay
Naftu kaa galgalatoo
waxaa jira gayaankale
Ay gacalo moodee
Kaa Guuray aniguye
Hadan layga kaagadan
Maxaaaad iga raad gureysaaa
*** *** ***
Dadku garasha weeyee
jacaylkii Igalay beri
mar haddii uu gaagaxay
Geedi waxan ku ahayoo
Ay Gogoshu iitaal
Guryasamo agtoodee
Kaa Goostay Aniguyee
Hadan layga kaagadan
Maxaaaad iga raad gureysaaa
*** *** ***
Berya Hadalka gunudee
Gudbisaa sideedaba
Fariin gaara qaadoo
Inantaan u Golangolay
Tii laygu guud furay
Gaarsii warkeygoo
Waxba Adiga oon guban
aan maseyrna kaa gelin
Gobaad waxaad tiraahdaa
Usheeg Inay Gidaaradan
Dhaxanta iyo Guuruhu
Darteed igu garaacaan